Ciidamada dowlada oo qarka u saaran inay la wareegaan gacan ku heynta degmada aadan yabaal ee gobolka shabelaha dhexe

0
614

Wararka aynu ka heleyno degmada Aadan Yabaal Ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in kumanaan Askari oo ciidamada dawlada katirsan isku hareereeyeen degmadaasi.

Xogta laga helay saraakiisha ciidamada hogaamineysa waxay sheegeen in miino baaris laga wado halkaasi ka hor inta aysan gelin ciidanka halkaasi.

Deegaan lagu magacaabo guulane ayaa gelinkii hore maanta waxaa ku dagaalamey al shabaab iyo ciidamada dowlada, inkastoo aan si rasmi ah aan loo ogeyn khasaaraha inta uu la eg yahay.

Ciidamada dowlada ayaa waxay sheegeen in ay ka go’an tahay la wareegida dhamaan deegaanada ay kooxda al shabaab ka joogaan gobollada dalka,iyadoo Sh/dhexe kacdoonka uu aad uga socday muddooyinkii dambe.