Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreeysay shaaciyay sababta uu dowladdiisa ugu soo daray in uu ka mid noqdo Muqtaar rooboow oo ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya.
Madaxweynaha oo Wareysi siiyay Wargeyska Caalamiga ah The Guardian ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu ku qancin karo qaar ka mid ah asxaabtiisii hore inay kasoo goostaan Ururka Al-Shabaab.
Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray Madaxweynaha in Muqtaar Rooboow uu habab isgaarsiineed la sameeyay xubnaha dhexdhexaadka ah ee katirsan Al-Shabaab, isla markaana uu ku dhiiro geliyay inay isaga soo tagaan, taasina ay tahay qorshaha kaliya ee dowladdiisu ugu adkaan karto Al-Shabaab.
Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur ayaa horay u sheegay in sababta uu uga soo tegay Al-Shabaab ay tahay markii uu arkay dhibaatada ay dadka Soomaliyeed kuhayaan mudada 15-ka sano ah, iyada oo ay xusid mudan tahy in uu Al-Shabaab dagaal kula galay meelo kamid ah gobolka Bakool.