Howlgalkii ugu dambeeyey ee lagu xoreyn lahaa degmada aadan yabaal oo halkaasi ka socda

0
514

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in uu haatan ka socdo howlgalkii ugu dambeeyay oo ay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay kula wareegayaan degmada Aadan Yabaal ee isla gobolkaasi.

Al-Shabaab ayaa isaga baxay degmadan oo ay sanado badan ku sugnaayeen, waxaana haatan isku hareereeyay ciidamada huwanta, sida ay innoo sheegeen ilo degaanka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxyo culus ay ka dhaceen gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo ka dhashay ‘miinooyin ay Al-Shabaab ku xireen’ waddooyinka laga soo galo degmada iyo sidoo kale xarumaha muhiimka ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana saraakiisha ciidamada dowladda ay shaaciyeen in saaacadaha soo socda ay gudaha u geli doonaan degmadaasi.