Wasiirka warfaafinta maamulka koonfur galbeed oo u hanjabey mucaaradka maamulka

0
442

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa Maanta ka hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin Siyaasada, Amniga, isaga oo baaq u direy xildhibaanada Koonfur Galbeed, laamaha kala duwan ee Ciidamada iyo Shacabka intaba.

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu sheegay inay jiraan siyaasiyiin maalmihii la soo dhaafay shirar ku qabanayay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin kuwo diidan orumarka ka socda degaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Wasiirka ayaa hadalkiisa waxaa uu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu yahay maamul dhisan, kana gudbay xilligii dad is aruursaday ay ugu hanjabi jireen arrimo qabiil, isaga oo sicad u sheegay in siyaasiyiinta mucaaradsan Maamulka ay yimaadaan degaannadooda ay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan.