Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ugu hambalyeeyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qabsashada degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
War-saxaafadeed kasoo baxay howl-galka ATMIS ayaa waxa lagu sheegay in degmada Aadan Yabaal aheyd xarun muhiim u ah argagixisada, qabsashadeedana ay muujineyso in howl-galada socda ay awood u leeyihiin ciribtirka Al-Shabaab.
Sidoo kale waxa lagu sheegay bayaanka kasoo baxay ATMIS in ay sii wadi doonaan kala shaqeynta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalkooda ka dhanka ah argagixisada, si amni iyo xasilooni loogu soo dabaalo guud ahaan dalka.
Taliyaha ayaa hadalkiisa sii raaciyey “Si wadajir ah, ayaan u jabin doonnaa ugana adkaan doonnaa Al-Shabaab.”