Reysulwasaaraha oo xafiiskiisa kula kulmay wakiilka gaarka ah ee midowga africa

0
288

Raysul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Souef ayaa si gaar ah looga hadlay arrimaha amniga, dadaallada dib-u-xoreynta, xasillinta iyo doorka ATMIS ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ciidanka Midawga Afrika uga mahad celiyay doorkooda dhismaha nabad-gelyada dalka.

Madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine ayaa intii uu kulanku socday waxuuu dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay guulaha la taaban karo ee ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka soo hooyeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.