Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta soo xiray shirkii Heritage ee ka socday wadanka Jabuuti ayaa mar kale si qota dheer uga hadlay halganka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhulka HirShabeelle uu intiisa badan ka soo baxay gacanta Al-Shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay in hal degmo oo Hiiraan ka tirsan aysan maamulin.
Xasan Sheekh ayaa aad u amaanay ciidanka xoogga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee iska xoreeyey kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeysay Aadan-Yabaal oo maanta ay si rasmi ah dowladdu u xaqiijisay in laga xoreeyey Al-Shabaab.
Shirkaan uu qabtay Machadka Heritage ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta soo xiray ayaa looga hadlayey arrimaha ku geedaaman isbedelka cilillada, wuxuuna madaxweynuhu ka hadlay qorshaha dowladdiisa ee isbedelka ku yimid cimillada.