Wasiirka gaashaandhiga ee dowlada federaalka somaliya oo booqasho ku tegey dalka itoobiya

0
326

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga dowlada federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa booqasho rasmi ah ku tegay dalka itoobiya magalada Addis Ababa.

Wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalka Itoobiya iyo Saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca Itoobiya.

Ujeedka safarkan uu wasiirka ku tegey dalka if\toobiya ayaa ah sidii loo xoojin lahaa la dagaalanka kooxda alshabab oo beryahan olole weyn loogu qaadey gobolada dhexe ee dalka iyadoo dhawaan la filayo iney ka bilowdaan koonfurta somaliya.

Wasiirka ayaa inta uu jooga halkaasi waxaa uu kulamo la qaadan doona Madaxda sare ee dalka, iyaga oo isla soo qaada doona guud ahaan xaalada dallka somaliya iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.