Shirkadda DP-World iyo maamulka goboleedka Puntland ayaa toddobaadkan magaalada Dubai ku kala saxiixday heshiis ku saabsan ballaarinta iyo tayeynta dekedda magaalo xeebeedka Boosaaso.
Mashruucan oo la filayo in la bilaabo horraanta sanadka 2023-ka, ayaa waxaa ka mid ah in la sameeyo 450 mitir oo ballaarin ah oo sanad kaste la fulinayo 150 miti.
Marka la dhammeeyo, dekeddu waxay awood u yeelan doontaa inay kusoo xirtaan maraakiibta konteenarada islamarkaana ay soo jiidato maraakiibta kale ee caalamiga ah. Sidoo kale waxaa la filayaa inay noqoto xarun muhiim u ah gaadiidka doomaha ee u adeega xeebaha Soomaaliya.
Shirkadda DP-world oo sannadkii 2017 heshiis kula wareegtay maamulka dekeda Bosaso ayaa horey loogu eedeynayay inay cuuryaamisay shaqada dekeda, islamarkaana aysan fulin heshiiskii lala galay.
Lama oga inuu heshiiskaan sidii loogu talo galay u fulidoono, iyada oo barlamaanka Puntland uu horey mooshin uga keenay in la burburiyo heshiiska dekeda Bosaso, dekedana lagusoo celiyo gacanta Puntland.