Taliyihii ciidamada nisa ee gobolka gedo oo qarax miino ah lagu diley

0
463

Taliyihii hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Bakaal Kooke ayaa qarax lagula xirey gaarigiisa maanta lagu diley.

Gaariga ayaa ku qarxay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Luuq iyo Doolow. Sidoo kalena waxaa qaraxa ku dhaawacmay taliyihii hore ee NISA ee degmada Luuq.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilkiisa, iyagoo sheegay inay xalay la beegsadeen weerar qorshaysan.

Taliyaha iyo saraakiil kale oo la socday ayaa la sheegay inay kusii jeedeen degmada Doolow ee gobolka Gedo.