Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in la fashiliyay qorshe ay damacsanaayeen xubno Shabaab ah oo isku aruursanayay deegaan hoostaga degmada Aadan Yabaal.
Xubnaha Al-Shabaabka ah ayaa rabay inay weerar kusoo qaadan degmada Aadan Yabaal oo dhawaan ay ciidamada huwanta la wareegeen gacan ku haynteeda
Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa howl-gal qorsheeysan ku dilay 14 xubnood oo isugu jiray madax iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo qeyb ka ahaa qorshaha la fashiliyay.
Howl-galkaasi ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Dhabaq-libeey oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.