Qaramada Midoobay ayaa ku boorisay dowladda Soomaaliya ilaalinta xuquuqda aadanaha si loo hubiyo in qof kasta, oo ay ku jiraan bulshada taagta daran iyo kuwa la heyb sooco, dadka naafada ah, kuwa gudaha ku barakacay, si ay si buuxda u helaan xuquuqdooda iyo xorriyadooda.
Anita Kiki Gbeho waxay sheegtay inay Soomaaliya gaartay guulo lagu horumarinayo laguna ilaalinayo xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan xuquuqaha ku qeexan Dastuurka KMG ah ee dammaanad qaadaya xuquuqda iyo xorriyadaha dhammaan Soomaalida.
Xuska sannadkanayaa ah ‘Sharafta, Xoriyadda, iyo Caddaaladda Dadka oo dhan.’ Maalinta Xuquuqul Insaanka ayaa la xusaa sanad walba 10-ka Diseembar, Waa maalintii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay UDHR sannadkii 1948-kii.