Booliiska Wajeer iyo Garissa ee dalka Kenya ayaa gacanta ku haya lix qof oo ajaanib ah oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Arrintan ayaa timid iyadoo Kenya ay kordhisay howlgallada ay ka waddo xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, kaddib markii Soomaaliya ay billowdeen howlgallo ka dhan ah Alshabaab.
Booliska ayaa sheegay in lixda qof si gaar ah loo soo qabtay xilli ay isku dayayeen in ay u baxsadaan Kenya.
Kooxda Alshabaab ayaa xubno ka qorta Tanzania, Kenya, iyo Ethiopia iyagoo u ballan qaadaya mushaar aad u badan, balse marka ay yimaadaan xerooyinka tababarka ayay beddelaan maskaxdooda, sidaasi waxaa yiri sarkaal katirsan dowladda Kenya.