Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka sacuudiga ayaa kulan la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdicasiis.
Amiir Maxamed Binu Salmaan ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada xoogga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ee la dagaalamaya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sucuudiga, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka.