Nisa oo xaley howlgalo ka fulisey degmooyin ka tirsan gobolka banaadir

0
381

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qarana (NISA) ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir iyo duleedka Muqdisho.

Howlgalladan oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyay degmooyinka ku yaalla cirifyada, sida Kaxda, Heliwaa iyo Dayniile ee gobolka Banaadir.

Ujeedka howlgallladan ayaa ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga caasimada Muqdisho, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in qorshahooda uu ahaa ka hortagga suurtagalnimada falal ammaan dari oo ay Al-Shabaab kasoo abaabusho degmooyinkaas.