Xubnaha Guddiga Farsamada Arrimaha Dib u Heshiisiinta KGS oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Yusuf Xasan Isaaq (Yusuf Wadani) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo.
Wafdiga waxaa Baydhabo kusoo dhaweeyay masuuliyiin Ka tirsan maamulka Koonfur galbeed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Maalmaha soo social ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Baydhabo uu ka furmo shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, kaas oo qorshuhu ahaa in uu shalay furmo balse uu dib u dhacay.
Heshiisiinta la heshiisiyo siyaasiyiinta isku heysta hogaanka koonfur galbeed ayaan eheyn mid ku cusb dhegaha ama indhaha shacabka koonfur galbeed waana mid soo askunta afar sano kasta kolka uu dhamaato mudo xileedka shaqsiga xukunka qabsada