Madaxweynaha dowlada federaalka somaliya oo ka jawaabey qoraal dheer ay soo qoreen maamulka goboleedka puntland

0
320

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Aar ayaa jawaab u diray Maamulka Puntland kadib go’aankii ay todobaadkaan soo saareen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka hadlayey munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ka hor yimid go’aankii Puntland,isagoo sheegay in Federaalka si qaldan dadka qaar ufahmeen.

Si kulul ayuu kaga fal celiyey arinta ay Puntland kasoo saartay,isagoo Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dawladda Dhexe Ee Soomaaliya ay awood uleedahay arimaha Dawlad Gobolleedyada xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Xukuumada Garowe waxay sheegtay inay hakineyso ka mid ahaanshiyaha nidaamka federaalka Soomaaliya tan iyo inta dastuurka dalka afti looga qaadayo.