Golaha wasiirada oo maanta ansixiyey hindiso sharciyeedyo

0
284

Golaha Wasiirada ayaa maanta yeeshay shirkooda todobaadlaha ah oo uu guddoomiyay Ku-simaha Ra’iiisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac.

Shirka Golaha ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah, Dhiirigelinta Maalgashiga, Hindise Sharciyeedka Hey’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah. Golaha ayaa boggaadiyey guulaha isdaba joogaa ee laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.