Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay ku dhow yihiin degmada Xarardheere oo ay shalay isaga baxeen xoogaga Al-Shabaab.
Ciidamada huwanta ayaa haatan howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada agagaarka degmadaas oo ay muddo sanado ah ka talinayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa shaaca ka qaaday in saacadaha soo socda ay gudaha u geli doonaa degmada, kadibna ay ka sameyn doonaan howlgal amni xaqiijin ah.
Xubnaha Al-Shabaab iyo saraakiishooda ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen deegaano iyo tuulooyin hoos yimaada magaaladaas oo ka tirsan gobolka Mudug.
Sidoo kale qaar ka mid ah dadka shacabka ah ee deganaa magaalada ayaa lagu soo warramayaa inay si awood ah horey ugu sii kaxeysteen, waxayna la aadeen deegaanno duleedka ku yaalla oo ay haatan ka sameysteen fariisimo ciidan oo cusub.