Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ka sameeyeen gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.
Howlgalkan oo ahaa bartilmaameed ayaa waxa ay ciidamadu ku galeen gur ku yaalla degmadaasi, waxayna gacanta ku soo dhigeen keyd hub ah iyo walxaha qarxa.
Saraakiisha howlgalka sameysay ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale gacanta lagu soo dhigay haweeney dagenyd guriga lagu keydiyay hubkaasi, taas oo ay sheegeen inay haatan ku hayaan baaris dheeraad, sidoo kalena loo gudbinayo hay’adaha ku shaqada leh.
Hubka lasoo qabtay ayaa isugu jiro bambaanooyin, qoryaha AK47 iyo rasaas, sida ay u muujinayaan sawirrada ay soo bandhigtay hay’adda NISA.