Maamulka gobolka banaadir oo sheegey inay dhawaan gobolka ka bilaabi doonaan ka sifeynta alshabab

0
523

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaaaadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in degmooyinka gobolka Banaadir ay ka bilaaban doonaan howlgalo lagu baarayo guryaha oo lagu raadinaayo xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee ku dhex dhuumanaya magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in talaabadaani ay tahay mid lagu fulinaayo amarkii madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in la adkeeyo amaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddoomiye Yabooh ayaa ugu baaqay shacabka reer Muqdisho iney ciidamada amaanka la shaqeeyaan oo aysan dhib u arki howlgalada baaritaanka guri guriga ah ee dhawaan bilaaban doono.

“Ha u qaadina inay wax cusub tahay, waxaa rabna in isbedel la taaban karo la imaano dhanka amniga, anaga oo hay’adaheena amniga kaashaneyna, guriguri ayaa loo baari doona magaalada, dadkana qofkasta waxa uu yahay, meesha uu ka yimid iyo guriga uu ku nool yahay ayaa la ogaan doona” ayu yiri guddoomiye Maxamed Axmed Diiriye Yabooh.