Maxkamadda Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah xukun dil ah kuriday askarigii Ninka shacabka ahaa ku dilay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Falka dilka ah ayaa 10-kii Bishaan waxaa Askariga katirsan Ciidamada degaanka uu ugu dilay degmada Xamarweyne Abuubakar Maxamed Nuurani lacag dhan 5 Kun oo Shillinka Soomaaliga balse Ciidamada ammaanka ayaa deg deg u soo qabtay.
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay Askariga dilka geystay ayaa isla Maalintaas sheegay in si kultalo-gal ah uu Askariga dilka u geystay, sidaas daraadeedna cadaaladda la marsiin doono.