Nin dhaqtarnimo been abuur ah kaga howlgalyey cisbitalada magalada muqdisho

0
2260

Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr Fanax) oo la sheegay in uu dhakhtarnimo kaga howl-gali jiray gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ayaa maanta kasoo hor-muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Dr Fanax ayaa loo haysta dilal, qaraxyo iyo been abuur la xiriira darajooyin ciidan iyo takhasuska uu sheegtay ee mudada uu kaga shaqeysan jiray bulshada dhexdeeda, waxayna maxkamadeyntiisa maanta ka bilaabatay magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Darajadeeda koowaad oo uu kasoo hor-muuqday Dr Fanax ayaa waxa uu sheegay in gudaha dalka uu ka soo shaqeeyay magaalooyinka Muqdisho, Baardheere, Kismaayo, Xudur iyo Beled-Xaawo.

Waxa uu ka qeyb qaatay fulinta dilal iyo qaraxyo ka dhacay gudaha Muqdisho, sida ay xeer ilaalinta ka hor sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Xeer Ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, Generaal Cabdullaahi Buula-kamey ayaa maxkamadda ka codsaday in ninkaan lagu rido xukun dil toogasho ah.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa dilaa arxan darran, oo nooc walba dadka u dila waxaa maxkamadda weydiisaneyna in lagu xukumo ciqaabta u qalanta si bulshada uga badbaado wixiisa, oo ah dil toogasho ah.”

Qareenka u doodayay ninkaan eedeysanaha ah ayaa sheegay in uusan jirin markhaati la keenay maxkamadda, oo arkay eedeysanaha oo weerar ama dhibaato geysanaya.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute oo ugu dambeyntiina soo xiray dacwad dhageysigii eedeysane Dr Fanax ee maanta ayaa sheegay in maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto.