Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga degaanka ayaa gudaha u galay degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug, kadib markii ay isaga baxeen Ururka Al-Shabaab.
Ciidanka ayaa hadda baaritaan ka wada xaafadaha degmada, halkaas oo muddo sanado ah ay maamulayeen Al-Shabaab.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur jakaarta ayaa xaqiijiyay qabashada degmadw Xaradheere.