Maamulka galmudug oo boogaadiyey howlgalka ciidamada ay kula wareegeen deego hor leh

0
287

Maamulka Galmudug ayaa bogaadiyay howlgalka ciidanka xoogga dalka, iyo ciidanka kacdoonka shacabka ay ku xoreeyeen deegaanada bariga Galgaduud oo ay ugu horreyso degmada Galcad.

Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah maanta u fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada kacdoonka shacabka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deeganada Cali Heele, Tixle, Cigo, Baraag Sheekh Caamir iyo degmada Galcad ee bariga Gobolka Galgaduud.

Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in la xoreeyay deegaanada Laba Xurow, Sheekhoow Gaab, Maraay Suuleey iyo Masaggawaa halkaas oo gabi ahaanba laga sifeeyay kooxda alshabaab.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Alshabaab.