Madaxeweyne xasan sheekh maxamuud oo gaarey magalada baydhaba

0
364

Wefdi uu hogaaminaayo madaxweyne dowlada federaalka somaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa goor dhowayd gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu ka furmayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Shirka oo maanta loo ballansanaa inuu billowdo ayaa dib u dhacay safarka madaxweynaha awgiis, waxaana loo ballansan yahay inuu furmo berito.

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Madoobe ayaa horey ugu sugnaa magaalada Baydhabo, kaasoo dhex dhexaadiye u ah dhinacyada isku haya siyaasada maamulka Koonfur Galbeed welow mucaarad ka ay ku dhaliileen gudoomiyaha qaabka uu u wado shirka.

Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa shirkaan lagu casuumay, iyadoo lagu wado in xal laga gaaro khilaafka ka dhashay muddo kororsiga madaxweyne Lafta gareen.