Shirkii la filayey inuu maanta ka furmo magalada baydhaba oo dib u dhac ku yimid

0
241

Wararka aynu ka heleyno magalada Baydhaba ayaa sheegaya in uu dib u dhac ku yimid shirka dib u heshiisiinta maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo la filayay in uu maanta ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulkaasi.

Sida aan xogta ku helnay baaqashada shirka ayaa waxaa sababay arrimo farsamo, ayada oo la shaaciyay inuu si rasmi ah u furmayo maalinta berri ah oo ku beegan 17-ka Janaayo.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorshuhu yahay inuu furo shirkaas, isaga oo tegaya Baydhaba, halkaas oo ay shalay gaareen wafdi hordhac u ah safarkiisa oo uu hoggaaminayo agaasimaha Villa Somalia.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan laga dareemayaa Baydhaba, ayada oo loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi.

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ayaa amniga sugaya, kadib markii todobaadkii hore lagu wareejiyay dhaq-dhaqaaqa magaalada iyo xarunta shirka.