Shirka dib u heshiisiinta koonfur galbeed oo sacadaha soo socda ka furmi doona magalada baydhaba

0
229

Waxaa magalada baydhaba ka socota qaban qaabadii ugu dambeysey kulank dib u heshiisiinta koonfur galbeed kaastoo sacadaha spoo socda ka furmo doona magalada baydhaba xarunta maamulka koonfur galbeed.

Kulankani ayaa waxaa uu ahaa in uu furmo maalintii shaley balse waxaa ku yimid waxoogaa dib u dhac ah kaasoo inta badan sabab u eheyd dib u dhac ku yimid masuuliyiintii kulankaasi kasoo qeyb geli laheyd, maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa magalada baydhaba kusoo qul qulayey siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda koonfur galbeed kuwaasi oo qeybtooda ugu dambeysey ey maanta soo gaareen magalada baydhaba.

Kulankani furitaankiisa ayaa waxaa kasoo qeyb galey madaxweynaha dowlada federaalka somaliya Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo dadaal dheer ugu jira in kulankani si wanaagsan la isugu af garto natiijo fiicana oo ay bulshada koonfur galbeed dhaxal gal u ahna ay kasoo baxdo.