Lafta gareen oo run ka sheegey xaalada ay ku sugan tahay konfur galbeed

0
459

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in wada hadal iyo nabad lagusoo afjaro colaadda ka jirta Koonfur Galbeed.

Lafta Gareen ayaa sheegay Koonfur Galbeed inay ku jirto xabsi 5km u jirto, isagoo ula jeeday inay kooxda Shabaab dhinac kasta ka joogaan oo aysan jirin meel loo qaxi karo. Wuxuu sheegay dadkeedu inaysan xamili karin barakac iyo dhibaato.

Madaxweyne Lafta Gareen wuxuu ugu baaqay cid kasta oo ka aragti duwan inay ogaato in waxa la isku haysto ay tahay nabada yarta ah ee ka jirta Baydhabo.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in lagusoo afjarayaa khilaafka siyaasadeed ee ka jira Koonfur Galbeed.