Madaxweynaha oo sheegey in howlgalka la dagaalanka alshabab wejigiisa labaad uu ka furmi doono koonfur galbeed

0
185

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay furintaanka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay in wajiga labaad ee howlgalka dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab iuu ka bilaabanayo deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inuu gabagaba yahay wajigii koowaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socday deegaanada dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, islamarkaana dowladda ay diyaarisay ciidamo farabadan oo awood u leh iney Shabaab ka xureeyaan meelaha ay kaga sugan yihiin gudaha dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in dhalinyarada u dagaalameysa kooxda Shabaab ay wali haystaan fursado ay isku soo dhiibi karaan oo ay dowladda ku cafineyso

Gabagabadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay waalidiinta caruurtooda ay ku jiraan Ururka Al-shabaab iney wacdaan oo ay kala soo baxaan kooxda ka hor inta aanan lagu laaynin howlgalada dalka looga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab.