Dagaalo ka bilowdey deegaano hoostaga degmada beledweyne

0
220

Xubno katirsan kooxda Al Shabaab ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen deegaan hoostaga magaalada beled weyne ee gobolka hiiraan waxaana duhurnimadaan lasoo warinayaa in dagaal uu halkaasi ka socdo.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidamada Dib u xoreynta deegaanka iyo Al Shabaab iyadoo halka lagu dagaalamayo ay tahay deeganka Beerxaano oo dhaca Koonfurta Beled weyne.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Ciidamada Dib u xoreynta deegaanka xog ku heleen Maleeshiyaad katirsan Al Shabaab oo isku aruursanaya deegaanka Beerxaano,sidaasna xabada ubilaabatay.

Ciidan gurmad ah oo Beled weyne ka baxay islamarkaana uu hoggaaminayo guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda degmada Beled weyne Cabdiraxmaan Diini Maxamed ayaa gaaray goobta dagaalka uu ka socdo.