Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dishay 49 ka tirsan Alshabaab, tiro kalana lagu dhaawacay kaddib dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.
Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga dalka, kuwa deegaanka, Ciidanka Nabad Sugidda iyo Saaxiibada Caalamka, ayaa waxaa lagu beegsaday Shabaab isku abaabulayay dhulbeereedka Sheekh Qaasim.
Dowladda Soomaaliya waxay kaloo sheegtay in goobta laga fuliyay weerarka ay Shabaab ku haysteen dhaawacyo badan oo horay ugu soo dhaawacmay dagaallada dalka looga xoraynayo.
Howlgalka inta uu socday Shabaab waxaa laga soo celiyay gaadiid dagaal oo uu ku jiro gaari uu saaran yahay qoriga Zuu-ga, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.