Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyay heshiis cusub oo ay gashay Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeed kale oo muhiim ah.
Shirkan oo ay intooda badan goobjoog ahaayeen xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa guddoomiyey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.
Ugu horreyn Golaha Wasiirada ayaa shirkooda ku ansixiyay Hindise Sharciyeedka dhowrista maal-gashatada iyo maal-gashiga, kaas oo ah mid muhiim ah.
Sidoo kale kale Golaha ayaa maanta meel mariyey heshiis gaar ah oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Masar, kaas oo is af-garad ku aadan iskaashiga Tiknoolajiyada iyo Boostada ee ay dhawaan wada gaareen labada dal.
Heshiiskan ayaa qayb wayn ka qaadan doono dib u dhiska hay’adaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha, siday ay shaacisay Xukuumadda federaalka Soomaaliya.