Alshabaab oo weerar qasaaro badan geystey ku qaadey degmada galcad

0
319

Wararka aynu ka heleyno degaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in waaberigii hore ee saaka dagaalamayaal katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billaawday ku qaadeen saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee ku sugan halkaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warramaeen in ilaa laba Gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray Saldhigyada Ciidamada ee degmada Galcad, waxaaa halkaasi ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, waxaana aad u adag in la ogaado sababo la xiriira Isgaarsiinta oo aad u xun, iyada oo weli meelo kamid ah Galcad laga maqlayo rasaasta ay isku ridayaan labada dhinac.