Dowlada oo ka hadashey weerarkii alshabab ay ku qaadey degmada galcad

0
393

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay weerarkii ku billowday qaraxyada ee Al-Shabaab ku qaaday degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Qoraalka wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in weerarkii saaka lagu jebiyey kooxda, islamarkaana uu gaaray khasaare dhimasho oo aad u xoog badan.

Dhinaca kale, dowladda ayaa qirtay in weerarka ay ku dhinteen 7 askari, oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Taliye Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure).

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka dowladda in xaaladda magaalada ay hadda degan tahay, islamarkaana ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.