Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa xalay kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa midowga siyaasiyiinta mucaaridka kala hadlay arrimaha shirka dib-u-heshiisiinta oo maalmihii dambe ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii loogu guuleysan lahaa gogosha taala magalada Baydhabo ee looga arrinsanaayo dib-u-heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed.
Shirka dib-u-heshiisiinta ayaa waxaa lagu wadaa in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed.