Waxaa goordhaw lagu dilay isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeeysanaayay Mooto Bajaaj oo lagu magacaabayay Maxamed Xeyle, kaasoo dilkiisa uu geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.
Meydka wiilka dhalinyarada ah ee ku shaqeysanaayay Bajaajta ayaa mudo daqiiqado ah yaalay halka lagu toogtay, kadib markii ay diideen in la qaato meydka dhalinyaro kale oo u badnaa kuwa ku shaqeysta Mooto Bajaajta oo ka careysna dilka loo geystay wiilka Bajaajlaha ahaa.
Dhalinyarada ku shaqeysata Bajaajta ayaa isgoyska Howlwadaag ka bilaabay banaanbax rabshado wata oo ay uga soo horjeedaan dilka loo geystay wiilka Bajaajlaha ahaa, iyagoona dowladda ka dalbaday in lasoo qabto askariga dilka geystay oo hor geeyo Cadaaladda.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka wiilka Bajaajlaha loogu geystay isgooska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, waxaana la tilmaamay wiilka la dilay in xilliga dilkiisa uu dhacaayay ay la socdeen xubno ka tirsan qoyskiisa oo mootada saarnaa.