Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay inay jab xoogan u gaysteen kooxda Al-shabaab, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen Deegaanka Goof-gaduud Buurey ee Gobolka baay.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in ka badan 10 Shabaab ah in lagu dilay weerarkaan, waxaana la sheegay in looga gubay gaadiid dagaal.
