Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya saddex qarax oo goordhow lagu weeraray xarunta maamulka maamulka gobolka Banaadir oo ku taalla degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa koowaad lagu dhuftay dhabarka dambe ee xarunta dowladda hoose ee Xamar, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo ay xarunta ku galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo gudaha u galay dhismaha.
Labo qarax ayaa sidoo kale laga maqlay inta u dhaxeysa xarunta dowladda hoose iyo Muqdisho Mall, halkaas oo ay ka socoto is rasaaseyn xoogan.
Jugta qaraxaydan ayaa si weyn looga maqlay xaafadaha Muqdisho, waxaana haatan socdo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.