Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud oo kulammo wadatashi ah kula qaatay magaalada Baydhaba odayaasha dhaqanka Koonfur-galbeed ayaa ka dalbaday in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku ay asaas u yihiin arrimaha dib u heshiisiinta, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samatabixinta dalka, balse haatan looga fadhiyo dhameystirka dadaallaadaas iyo sidii ay u horseedi lahaayeen horumarka iyo wax wada qabsiga.
Odayaasha ayaa madaxweynaha la wadaagay talooyinkooda ku saabsan hannaanka dib u heshiisiinta, dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, xasilinta iyo horumarinta deegaanka.
Kulanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Koonfur-galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed.