Dab xoog leh ayaa goordhow qabsaday suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Dahablaha, waxaana socda gurmad xooggan oo lagu daminayo dabka, si loo badbaadiyo hantida taalla suuqa.
Gaadiidka dab-demiska ee dowladda hoose iyo kuwa shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa deg deg u gaaray suuqa, si loo baqtiiyo dabka.
Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi iyo masuuliyiin kale ayaa la sheegay inay deg deg u tageen suuqa.
Weli lama ogaan sababta dhalisay dabkaan, laakiin waxaa la xaqiijiyey in qeybta gubaneysa ay tahay qeybta Dahabka lagu iibiyo.