Ciidamada maamulka jubaland iyo alshabab oo ku dagaalamay duleedka magalada kismaanyo

0
193

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyo ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka qarxay deegaanka Singaleyr, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil u hadashay Jubbaland ayaa dhankooda shaaciyay inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, ayna gacanta ku hayaan deegaanka lagu dagaalamay.