Hoobiyeyaal ku dhacay agagaarka madaxtooyada

0
361

Qaraxyo xooggan oo la rumeysan yahay inay yihiin hoobiyeyaal ayaa goordhow laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay xaafado ku dhow madaxtooyada qaranka, waxaana illaa hadda la xaqiijiyey inay soo dhaceen 7 hoobiye.

Hoobiyeyaasha qaarkood ayaa ku dhacay meelo u dhow madaxtooyada qaranka, SYL iyo wasaaradda warfaafinta, waxaana la arkayey dadweyne kala cararaya iyo kuwa gabbaad raadsanaya.