Howlgalo lagu sugayo amniga oo laga bilaabay degmooyinka bartamaha magalada muqdisho

0
426

Howlgalkan oo ahaa mid loogu magac daray qof iyo guri ayna sameeynayeeen laamaha ammaanka Muqidisho ayaa waxaa xalay laga samayeeyay qaar ka mida degmooyinka gobalka Banaaadir.

Howlgalkaan oo ay sameynayeen ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA iyo booliiska ayaa waxaa laga sameeyay degmada Xamar weyne ee ka mid ah degmooyinka bartamaha magalada, waxaana ujeedkiisa lagu sheegay xaqeejinta amniga degmooyinka bartamaha ee kala ah Xamarweyne, Warta-Nabada, Boondheere, Cabdicasiis iyo Shangaani waxa uuna wejigiisa koowaad ka billaawday degmada Xamarweyne.

Howlgalka oo ay horkacayaan Shanta guddoomiye degmo ee bartamaha gobalka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo qab qabtay dhalinyaro fara badan kuwaasi oo ay masuuliyiintu goob fagaara ah kula hadleeen, sidoo kalena waxa ay ciidamadu gacanta ku dhigeen maandooriyaal sida qamri iyo xashiish iyo dadkii ka ganacsanaayay.