Maamulka jubaland oo alshabab kala wareegay deegaano

0
230

Ciidanka Jubaland oo garab ka helaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maalmahan waxa ay howlgallo ka wadeen deegaannada galbeedka Kismaayo iyagoo la wareegay deegaanno ay horey uga talin jireen maleeshiyada Al-Shabaab.

Howlgalka oo ka billaawday degaanka Janaay Cabdalle ayaa Ciidamadu kula wareegeen degaannada, Kooya, Yaaqdabeyl iyo Qudus, halkaas oo muddo badan ay gacanta ku hayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee howlgallada hoggaaminaya ayaa sheegay inay weli sii socdaan howlgallada, isla markaana qorshahoda uu yahay in dhammaan degaannada iyo degmooyinka Jubbaland laga saaro Al-Shabaab.