Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga afrika oo shir uga furmey magalada muqdisho

0
368

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abshir Axmed Haruse, ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho, uga furay Shirka Hannaanka Xaqiijinta Shuruudaha looga baahan yahay Soomaaliya ee ku biirista Ururka gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (The East African Community-EAC) ayaa dhawaan bilowday hannaanka sida rasmiga ah loogu aqbalayo dalka Soomaaliya inuu xubin buuxda ka noqdo ururka, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu balaariyo fursadaha dhaqaale ee gobolka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax ka socota Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, waxaana looga hadlayaa sida ugu fudud ee Soomaaliya uga mid noqon karto Ururka iyo arrimo kale.