Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Dawladda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abu mansuur) oo ka hadlayey shirka culimada uga socday Muqdisho ayaa ka digay culimada inay wareysi gaar gaar ah bixiyaan.
Wasiir Rooboow ayaa sheegay in kala qoqob abuuri karto warbaahinta wareysiyada ay ka qaadayaan culimada qurbaha ka yimid isagoo sheegay in isaga dhowr jeer uu iska diiday in la wareysto.
Sababta Rooboow Abu Mansuur u diiday ama uga gaabsaday in uu bixiyo wareysi ay la yeeshaan warbaahinta madaxa banaan ayuu ku micneeyey inay hadaf leeyihiin markii la gaarana uu bixin doono wixii wareysi ah.