Odayaasha dhaqanka gobolada sool iyo sanaag oo shir uga furmey magalada laascaanood

0
192

Shir ay aayahooda siyaasadeed kaga tashanayaan madaxda dhaqanka gobolada Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, ayaa maanta ka furmay magaalada Laascaanood.

Shirkan oo maalmihii lasoo dhaafay ay qaban qaabadiisu ka socotay magaalada Laascaanood ayaa hada furmay, madasha uu shirku ka dhacayo ayaa lagu sharaxay calamada Soomaliya iyo ka khaatumo, waxaana la saadaalinayaa in ay kasoo baxaan go’aamo ka dhan ah Somaliland.

Xukuumada Somaliland ayaa iyadu ogolaatay in uu shirkani qabsoomo, iyadoo madaxda Somaliland iyo saraakiisha ciidankuna ay magaalada gees kaga sugan yihiin, isla markaana wax is afgarad ah lagama gaadhin wadahadalo dhinacyadu yeesheen.

Guddi ka kooban 33 xubnood oo ay madaxda dhaqanku u magacaabeen hogaaminta shirka, ayaa horay ugu baaqay in ciidamada Somaliland dhulka SSC ka baxaan, millateriga ayaa dhankiisa sheegay in anay gobolka ka baxaynin, isla markaana ay gobolka iyagu gacanta ku hayaan.