Reysulwasaare xamse oo sheegey inuu ku faraxsan yahay go,aanada culumada gaareen

0
131

In ka badan 300 oo culimada Soomaaliyeed ah oo todobaadkii hore shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday inay taageerayaan dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabab.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa markii uu shirka soo xiray wuxuu sheegay bayaanka kasoo baxay culimada in uu wax weyn ka tari doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah.

Wuxuu sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo uu arko culimo kala duwan oo meel wada fadhiya oo bayaan soo saaraya.

Raysal wasaaruhu waxa uu sheegay in ay la dagaalamayaan Cadow ay Culumaa’udiinka ugu yeereen Khawaarij, uuna ku faraxsan yahay in ay dagaalka kusoo biiraan.