Madaxweynaha dowlada federaalka somaliya oo sheegey iney dhawaan soo bandhigi doonaan malaayiin doolar oo ay ka xanibeen alshabab

0
335

Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud ayaa sheegay in lasoo bandhigi doono malaayiin dollar oo Alshabaab ugu xaraysnaa akoono maaliyadeed oo ay dowladdu xirtay.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay arrintaan inay qeyb ka tahay dagaalka dowladda kula jirto Alshabaab oo uu sheegay inuu yahay mid ficil ah.

Hadalka madaxweyne Xasan Sheikh oo laga sii daayay warbaahinta dowladda ayaa qeyb ka ahaa hadalo uu ka jeediyay banaanbax Shabaab ka dhan ah oo ka dhacay Muqdisho, ayaa lagusoo aadiyay maalin kadib hanjabaad Alshabaab ay u jeediyeen bangiyada dalka kuyaala, kuwaas oo Alshabaab ay ku eedeeyeen inay ogolaadeen sharci dowladdu soo rogtay oo lagu xayirayo lacagaha sharci darrada ah.

Alshabaab oo ay u muuqatay inay saameysay xayiraada dowladdu ku sameysay dhaqaalaha u yaala bangiyada ayaa ku eedeeyay bangiyada in aysan ilaalin karin lacagaha ammaanada ku ah.